September 12, 2024

 

Xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn dalka Turkiga ayaa guulo waaweyn ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Istanbul iyo Ankara.

Natiijadu waxay dhabar jab weyn ku tahay Recep Tayyip Erdogan, oo rajaynayay inuu dib u hanto maamulka magaalooyinka wax ka yar hal sano ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad u tartamayo madaxtinimada.

Waxa uu hormuud ka ahaa ololihii guusha ee Istanbul, halkaas oo uu ku koray oo uu noqday duqa magaalada.

Laakiin Ekrem Imamoglu, oo markii ugu horreysay ku guuleystay magaalada 2019, ayaa guushii labaad u horseeday mucaaradka cilmaaniga ah ee CHP.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply