Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka shalay waxa ay sheegtay in ay xirtay bogag Al- Shabaab ay ku baahinayeen wararkooda isla markaana ay u adeegsanayeen waxyaabaha marin habaabinta ah.
Hase ahaatee waxaa soo baxaya warar kale oo ku saabsan in si caadi ay u shaqaynayaan , bogaga Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay xanibtay.
Sarkaal u hadlay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay iney muhiim ahayd in nidaamka lagu joojinayo la dhamaystiro uuna shaqeeyo lana tijaabiyo .
saacado ka dib markii ay dawladdu ku dhawaaqday xirista Websiteyadaas, ayaa waxa ay al Shabaab hawada soo geliyeen webisteyo cusub oo wata isla magacyadii ay dawladdu sheegtay in ay xirtay.
“Marka hore aan kala qaadno baraha bulshada iyo mareegaha kale. Baraha Bulshada sida Facebook, twitter Tiktok iyo wixii la mid ah waxaa iska leh shirkado shisheeye oo leh sharciyo u gaar ah isla markaana waafaqa xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dalalka laga leeyahay” ayuu yiri khabiirku.
Saas darteed Waxa uu sheegay khabiirku marka ay dawladdu doonayso in ay xirto bog baro bulsheed ah, in ay ku qasban tahay in ay xiriir la samayso shirkadda iska leh bartaas bulsho kuna qanciso in boggaas uu mudan yahay in la joojiyo.
Al- Shabaab ayaa mareegyada ku leh boqolaal bogag ah oo ay ku faafiyeen wararkooda , waxaan dhawr jeer ay sheegtay Dowladda Soomaaliya in ay xanibtay
Office Nairobi Kenya