January 25, 2025

 

Isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyootay haweenay uu  maalmo ka hor dab qabad siiyay ninkii qabay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Haweenaydan waxaa maalmahan lagu dawaynayay isbitaalka , waxaana Dhaqaaiirtu ay sheegeen in ay lahayn uur.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa  baadi goob ugu  jiray sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ninkii qabay haweenaydan ee ka baxsaday magaalada Muqdisho

AUN marxuumad Luul Cabdicasiis waxa ay ahayd aqoonyahaanad korsanaysay ilmo agoon ahaa.

Ehelada haweenaydan saaka geeriyootay ayaa dalbanaya in cadaalad ay helaan , isla markaana gacanta lagu soo dhigo qofkii falkan gaystay.

Waxaa talabadan gubista haweenaydan la sheegayaa in ay la xiriirta khilaaf Qoys iyo masayr arrimo ku saabsan.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply