Booliiska Brazil ayaa baaraya isku dayo Afgambi oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen saaxiibadii madaxweynihii hore, Jair Bolsonaro, si ay xukunka ugu sii hayaan ka dib markii looga adkaaday doorashadii 2022.
Taliye ciidan, wasiiro hore iyo la taliye ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin kuwa lagu tuhunsan yahay isku daygaas afgambi iyo dadaallada lagu baabi’inayo sharciga dimuqraadiga ah.
Booliska ayaa sheegay in ay soo saareen soddon iyo saddex warqadood ah kuwo lagu baarayo islamarkaana lagu soo qabanayo iyo afar waaran oo lagu soo xirayo, waxayna soo rogeen tallaabooyin looga hortagayo tuhmanayaasha inay dalka ka dhoofaan. Madaxweyne Lula ayaa sheegay in isku daygii afgambi ee xulafada Jair Bolsonaro ay tahay in la baaro si loo joojiyo inaysan mar kale dhicin arrintan.
Office Nairobi Kenya