September 12, 2024

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa laba sarkaal oo kale u magacaabay inay kala hoggaamiyaan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISS) iyo Maamulka Amniga Shabakadda Macluumaadka (INSA).

Redwan Hussein, oo ahaa la taliyaha amniga ee Abiy, ayaa hadda loo magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka NISS. Redwan ayaa bedelay Temesgen Tiruneh oo xilka ka degaya loona wareejiyay ku xigeenka Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Sidoo kale, haweeneyda lagu magacaabo Tigist Xaamid oo ahayd ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda Amniga Shabakadda Macluumaadka ayaa hadda loo magacaabay agaasimaha guud ee hay’addaasi.

Tigist waxa uu bedelay Solomn Soka, oo hogaaminayay hay’adda amniga internetka ilaa Luulyo 2022.

MAGACAABISYADA KALE

Dowladda Itoobiya ayaa saaka yeelatay wasiir cusub oo arrimo dibadeed iyo ku xigeenka ra’isul wasaaraha dalkaasi.

Kulan ay yeesheen saaka oo Khamiis ah Golaha Shacabka ee barlamaanka Itoobiya ayay ugu magacaabeen Ambasador Taye Atske Selassie inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda.

Danjire Taye ayaa ahaa danjirihii Itoobiya u joogay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Dhinaca kale, Temesgen Tiruneh oo ahaa talihii sirdoonka Itoobiya ayaa loo magacaabay ku xigeenka Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Wuxuu bedelay Demeke Mekonnen oo toddobaadkii hore loo wareejiyay taliyaha sirdoonka Itoobiya. Labada nin ayaa ka yimaada qowmiyadda Amxaarada.

Isbeddelka xilalka muhiimka ee ka dhacay dalka Itoobiya ayaa imaanaya iyadoo dowladda Abiy ay wajaheyso xaalado dhaqaale darri iyo khilaafaad hubeysan oo hareeyay dalka intiisa badan.

Dhanka kale, waxaa weli taagan khilaafka Itoobiya kala dhexeeya Soomaaliya ee ka dhashay heshiiskii muranka dhaliyay ee Ra’isul Wasaare Abiy uu la saxiixday Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply