Booliiska Koonfur-galbeed ee Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen weerar bambaano oo lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen taageerayaasha ra’iisul wasaarihii hore Cimran Khan oo toban sano oo xabsi ah lagu xukumay. Waxay sheegeen in qaraxa lagu soo xiray mooto.

Wakaaladda wararka ee Reuters aya qoraysa in saddex ka mid ah dadka dhintay ay yihiin xubno ka tirsan xisbiga Cimraan Khaan ee PTI.

Sidoo kale Qaraxa ayaa ka dhacay goob olole doorasho uu ka waday xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf ee magaalada Quetta. Shan qof ayaa ku dhaawacantay.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply