Madaxweynaha maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu go’aansaday sida uu Maraykanku uga falcelinayo weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku dileen saddex askari oo Maraykan ah oo ku sugnaa dalka Urdun dhamaadkii todobaadkan.

Isagoo ka hadlayay mar uu ka soo baxayay Aqalka Cad oo uu ka qeyb galayay lacag uruurintii Florida, Mr Biden wuxuu ku daray: “Uma maleynayo inaan u baahanahay dagaal ku baaha Bariga Dhexe.”

Koox maleeshiyo ah oo ay taageerto Iiraan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka.

Tobaneeyo kale ayaa ku dhaawacmay weerar Axaddii ka dhacay meel u dhow xudduudda Suuriya.

Sidoo kale Mr Biden si dhab ah uma faah faahin waxa uu noqon karo tallaabada Mareykanka, balse Aqalka Cad ayaa Isniintii ballan qaaday “jawaab dhaxal gal ah”.

BBC

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply