October 10, 2024

 

 

Booliska Puntland ayaa baahiyay in ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ajnabi ah oo ka tirsan hugaamiyeyaasha ISIS ee Soomaaliya.

Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya ayay sheegeen ciidamada Booliska Puntland in ay gacanta ku dhigeen, sida lagu daabacay bogga ay ku leeyihiin barta Facebook.

Waxaan la shaacin xilka rasmiga ah ee ay u hayeen labadaan nin ururka Daacish.

Sidoo kale Hawlgalka raggaan lagu soo qabtay ayay Boolisku sheegeen in uu ka dhacay degmada Uffayn ee gobolka Bari, Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply