.
Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa tiro weeraro ah gudaha Kenya ka gaystay, Dhurwaayo dad cun ah kuwaas oo lala xidhiidhinaayo korodhka ku yimaaday xawayaanka duurjoogta ah ee Kenya.
Wasiirka Dalxiiska iyo Durjoogta Alfred Mutua ayaa sheegay in sare u kaca ku yimid dhurwaayada ay sababtay abaartii lasoo dhaafay ee sanadkii tegay taas oo xoolahii ku le’day ay waraabayaashu quuteen.
“Waxaan leenahay warabayaal badan, qof walbana waxuu isweydiinayaa xagee ayay ka imanayaan, xayawaan badan ayaa ku sugan seerayaasha xayawaanka ee qaranka ayaa ku dhintay abaar kuwaas oo ay kamidyahiin Maroodiyaal iyo Geriba; dhurwaayaduna bakhtigoodii bay cuneen wax tarankooduna wuu batay,”.
Dadka ku nool deegaanada ka ag dhow seerayaasha xayawaanada ee Kenya ayayna soo wajahday cabsi ku aadan warayaabasha dad cunka ah ee goobahii dadka imanaya.
Ha’yadda duurjoogta Kenya ayaa sheegtay in isniinta lasoo dhaafay labo nin oo mid kamidda yahay arday dhigta Jaamacad kaas oo dhaawac xun soo gaadhay Isbitaalna la dhigay ismaamulka Kajiado. Koox la tacayaasha dhibaatooyinka xawayaanada oo ka tirsan hay’adda duurjoogta Kenya ayaa meel kale oo isla ismaamulka Kajiado ka tirsan kasoo helay meydka qof uu waraabe cunay kaas oo markii danbe la aqoonsaday qoyskiisana lala xidhiidhay.
Office Nairobi Kenya