Wararka ka imaanaya Magaalada Ceerigaabo Ayaa sheegaya in xalay halkaas ay ka dhacday arin lala yaabay oo aad u fool xun, kadib markii nin uu halkaas ku dilay aabihiis.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Somaliland garahaan qaybta Gobalka Sanaag ay gacanta kusoo dhigay nin ku eedaysan inuu xalay Abbaarro 8:00 Habeenimo ku dilay Aabbihii Magaalada Ceerigaabo , waxaanu ku dilay xabbad.
Sidoo kale Booliska ayaa Saxaafadau sheegay in ninkan maxkamadda la horgeyn doono si loo marsiiyo cadaalada.
Xafiiska Wararka Muqdisho