September 12, 2024

 

Boqorka dalka Norway Boqor Harald ayaa ka baxay isbitaal ku yaala dalka Malaysia, kadib markii lagu rakibay qalabka wadnaha qaada, kadib markii uu ku xanuunsaday fasaxii uu ku maqnaa.

Waxa uu daawyntiisa kasii wadan doonaa cisbitaal Norway ku yaala, ayaa lagu yiri bayaan la soo saaray .

“Amiirka dhaxalka leh ayaa wakhtigaas noqon doona taliye oo la wareegi doona waajibaadka dastuuriga ah ee boqorka.” Isagoo jira 87, King Harald waa boqorka ugu da’da weyn boqorada Yurub.

Wuxuu noqday boqor 17 Janaayo 1991. Waxa loo qaaday cusbitaalka ka dib markii uu ku dhacay caabuqa isaga oo safar gaar ah ku tagay jasiiradda loo dalxiis tago ee Langkawi.

Sabtidii, qasriga boqortooyada ayaa sheegay in lagu rakibay qalab garaaca wadnaha oo ku meel gaar ah “sababo la xirira in garaaca wadnahiisa oo hooseeya”.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply