Qaraxyo isxigxigay ayaa ruxay gobolka Crimea, kadib markii la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay weerar ku qaadeen jasiiraddaasi oo uu Ruushka qabsaday sanadkii 2014-kii.
Muuqaal la soo dhigay online-ka ayaa muujinaya qarax la sheegay in uu ka dhacay meel u dhow goob shidaalka lagu keydiyo oo ku taalla magaalada Feodosiya ee koonfurta-bari.
Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in 38 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn la soo riday.
Buundada Kerch ee isku xirta Crimea iyo Ruushka ayaa si ku meel gaar ah loo xiray.
Weerarka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Ukraine ay sii waddo inay ku booriso xulafada inay kordhiyaan saadka hubka.
Ciidamada Ruushka ayaa dhawaan guulo ka gaaray dalka Ukraine xilli Kyiv ay la daalaa dhacayso sidii ay ciidamadeeda ugu sii wadi lahaayeen hubka ay reer galbeedku sameeyaan.
Moscow ayaa bishii hore la wareegtay magaalada muhiimka ah ee bariga ku taal ee Avdiivka.
Ruushka ma uusan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Crimea, inkastoo dad goob joogayaal ah ay soo sheegeen inay gariirayaan muraayadaha iyo qalabka digniinta baabuurta.
Kyiv ma aysan xaqiijin in ciidamadeeda ay ku lug lahaayeen.
Xafiiska Wararka Muqdisho