December 4, 2024

 

Dowladda Uganda ayaa sheegtay  in ay sugeyso amniga hawada Soomaaliya oo ay sheegtay inay caqabad ku ahayeen weerarada Al-Shabaab ee garoomada diyaaradaha.

 

Sidaas waxaa sheegtay Brig Gen Anthony Mbuusi, taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya, waxa uuna ku faanay  hadii uusan jiri lahayn dedaalka amni sugid ee ciidamada Uganda in garoonka diyaaaradaha ee Aadan Cadde uusan u kobceen  dhaqaalaha Somaliya.

Brig Gen Lukwago waxaa uu sheegay joogtaynta howlaha amni ee garoonka Aadan Cadde in ay keentay in madaarku sameeyo sanadkii in ka badan 8,533 duulimaad oo caalami ah, 18,166 duulimaad gudaha ah, iyo 1,686 duulimaad oo ah hawlgallada arrimaha gargaarka.

Sidoo kale AMISOM ayaa loo bedelay ATMIS si ay sanado dheeraad ah ugu sii jiraan Soomaaliya, ka dibna  ay masuuliyaddooda ugu wareejin lahaayeen ciidamada amniga Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply