October 5, 2024

Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo maanta kasoo muuqday maxkamadda gobolka Banaadir oo dhageysaneysa dacwaddiisa ayaa markii u horreysay ka sheekeeyay sida uu u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, isagoo sheegay in uusan kas u gubin, sida uu maxkamadda kahor sheegay.

Eedeysanaha ayaa marka hore ka hadlay sida uu ku billowday khilaafkooda, wuxuuna sheegay inay ka dalbatay furiin, isaguna uu ka diiday.

“Waxay igu tiri hooyadey xaaraan ayay igu dhashay adiga oo i furin caawa ma jiifaneysid aniga intii karaankeyga ah waan baryay guddoomiye wayna iga diiday” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa kale oo ay igu tiri adiga nin iima noqoneysid, ilamaheygana aabe uma noqoneysid waa inaadi furtaa”.

Sayid Cali oo sii hadlayay ayaa sheegay inuu maseeray, kadib markii uu sheegay inay xaaskiisa ku tidi nin kale ayaan guursanayaa, sida uu ku dooday eedeysanaha.

“Ma kuugu qanacsani nin odey ah ayaan haystaa oo bishii 600 oo dollar i siinayo, ilmaheygana aabe u noqonayo” ayuu kusii daray.

Waxaa kale oo uu ka sheekeeyay, sida uu u gubay guriga, isaga oo andacooday in ujeedkiisa uu ahaa inuu gubay alaabta, gaar ahaan fadhiga iyo jiifka.

“Alaab aniga keenay guriga oo fadhiiyo jiif kamid ah nin ma iiga dambeynaayo ayaan iri, intii ayaan isku qabsanay inta qaadan lahayd gub ayay tiri, anne waxaan iri intii uu nin iga dambeyn lahaa inaan gubo ayaa i dhaanto” ayuu yiri eedeysanuhu.

Waxaa kale oo uu raaciyay inuu isku dayay inuu badbaadiyo Luul markii uu dabka qabsaday, uuna bannaanka keenay, kadibna caruurta uu kasoo bixiyay qolalka.

“Waa baxay laamiga aaday shidaal ayaan soo gatay, qol yar oo nasiino ah ayaa meesha noogu yaallay marka qolkaas ayaan kasoo bilaabay waa gubay, ayada oo qolka jiifka ku jirta ayaan ugu tegay waxaan nahay Luuley qolkaan alaabtaada ka qaado inta aan ku leeyahay ayaan gubanayaa, kadib way  iga soo tagtay, kadibna waxaan maqlay qayladeeda waan kusoo orday qolkii gubanaayo iyada oo ku dhex jirta waan badbaadiyay intii karaankeyga ah bannaanka ayaan keenay dabkii ayaan ka damiyay” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale  wuxuu hoosta ka xariiqay in markii ay intaas dhacday inay isku soo baxeen dadka dariska ah, kadibna uu baqay, sidaasna uu goobta uga cararay

 Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply