January 25, 2025

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay wixii ka dhacay xalay Fiidkii ee ahayd toogashada xerada Jeneraal Goordan, taas oo lagu laayay saraakiil sar sare oo isugu jiro Soomaali, Imaaraad iyo Baxrayn, sida la xaqiijiyay.

Weerarka toogashada ah ayaa waxaa fuliyaya askari ka mid ahaa ciidamadii loo xil-saaray ilaalada amniga xerada, kaas oo kaligiis qaatay go’aan uu ku laayey saraakiil iyo askar ku jirtay masjidka xerada oo salaadii maqrib ay ku tukadeen, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Magaca askariga ayaa waxaa lagu sheegay Xasan Maxamed, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeedo Koonfur Galbeed, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xasan ayaa lagu soo warramayaa in 2021-kii uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, oo iyadu sheegatay mas’uuliyadda toogashada, kadibna uu mar dambe ku biiray ciiidamada cusub oo uu tababarayo Imaaraadka Carabta.

Cali yare Cali oo ka mid ah Mucaaradka dowlada Soomaaliya ahna gacanta midi gee madaxweynihii fashilmay Farmaajo ayaa soo dhigay bogiisa in ninka geestay Weerarka uu Damiin ka ahaa ama Damaanad uu ka ahaa  wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxame Nuur (Jaamac). Lama xaqiijin karo Warka cali Yare.

“Xasan Maxamed oo ah ninka weerarkii xalay fuliyay waxaa laga soo qoray degmada Xudur ee gobolka Bakool, dhawaan ayuu tabbobar ka soo laabtay” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Sidoo kalae Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan damaannad buuxda ka ahaa kuna saxiixan wasiirka gaashaandhiga Abdulkadir Maxamed.”

 

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply