September 9, 2024

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay in hada uu dhintay  sargaal kale oo dhaawac kasoo gaaray weerarkii xalay xerada Jeneraal Golden ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha xalay lagu laayay weerar kadhacay xerada Jeneraal Golden ayaa Soomaaliya ujoogay tababarida ciidanka Soomaaliyeed taas oo qeyb ka ah heshiiska labada dal ee Soomaaliya iyi Imaaraata Carabta.

Dhanka kale, Xogo aan helnay ayaa sheegaya in saraakiisha lagu laayay xalay Xerada Jeneraal Golden eysan daganeen halkaasi, balse ey daganyihiin gudaha xerada Xalane halkaasna ay si joogto ah uyimaadaan si tababarka usiiyaan ciidanka kuxareesan xerada.

Bartilmaameedka weerarka ayaa ahaa saraakiisha Imaaraadka Carabta, inkastoo dadka kudhintay uu kujiray askari Soomaali ah oo qeyb ka ahaa askarta tababarka qaadaneysay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan, iyadoo markii uu weerarka dhacay ey soo baxayeen warar sheegaya in ninka weerarka geeystay uu markiisii hore katirsanaa Al-Shabaab.

Askarigan ayaa waxaa damiintiisa kuqornaa Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur sida ey warinayaan dadka qaar iyo lagu kalsoonaan karoo oo katirsan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Afarta sargaal ee lagu dilay weerarka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray:’

  1. Colonel Mohamed Al Mansouri
  2. Warrant Officer 1 Mohamed Al Shamsi
  3. Warrant Officer 1 Khalifa Al Balushi
  4. Corporal Suleiman Al Shehhi.

 

Sidoo kale Warsaxaafadeed kasoo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ey kala shaqeyn doonto baaritaanka ku saabsan weerarkan xalay kadhacy xerada Jenaraal Golden.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply