Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal culus oo ay saakay aroortii hore ciidamada deegaanka ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Berdaale ee gobolka Baay, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.
Weerarkan ayaa waxaa Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan 9 xubnood, ayada oo sidoo kale looga furtay hub iyo rasaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed.
“Degmada Bereaale Ee Gobolka Bay Taariikhda:18/4/2024 Xarun ay Khawaarijta kulahaayeen Tuulada Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ayaa Ciidanka Xaq udirirka Deeganka weerar ay kuqaadeen waxaa laga soo furtey 7 qori oo AK 47 ah iyo 1 Bkm iyo 8-Sanduuq oo Rasaas ah waxaana Khawaarijta Halkaas Lagaga diley 9 Maleeshiyo oo Argagixisada Daacad u ahaa” ayaa lahu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamada deegaanka ee howlgalka ku qaaday kooxda Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Muqdisho