April 28, 2025

 

Dagaal culus oo markale maanta dib uga qarxay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkan  xoogiisa uu maanta ka dhacay xaafada Buulo Siidow, wuxuuna saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.

Sawirro laga soo qaaday bartamaha Qoryooley ayaa muujinaya degmada oo haawaneysa, isla markaana cidlo ah, maadaama dagaalka si weyn looga dareemay halkaasi.

Wararii ugu danbeeyay oo saacad ka hor halkaas naga soo gaaray ayaa sheegaya  in dagaalka uu weli socdo, isla markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, ayna cakiran tahay xaaladda.

Sidoo kale Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo marar badan kusoo laa laabtay aagga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Magaalooyinka  Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilihii la sooo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaalo Beeleedyo, waxaana ka mid ah Deegaanada ay ka dhacen sida sida Diinsoor iyo Buurhakaba oo iyana ay ka taagan yihiin dagaal beeleedyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply