Ciidanka ilaalada ee dowladda hoose ee Xamar ayaa howlgalo ay ka sameeyeen qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxa ay kusoo qab qabteen waxyaalaha maanka dooriya.
Sidoo kale, howlgalka ay ciidamada ilaalada deegaanka ee dowladda hoose ee Xamar sameeyeen ayaana lagu soo qabtay maan-dooriyaha loo yaqaan taabuuga, kaniiniyaal iyo sidoo kale sharoobooyin la sheegay in loo isticmaalo maan-dooriye ahaan.
Ciidanka ilaalada deegaanka ayaa waxa ay sidoo kale soo qabteen sigaar macmal ah oo nac nac ahaan loo sameeyay kaas oo loo iibkeenay suuqayada magaalada Muqdisho si caruurta dhaqankooda loogu dhumiyo caadina looga dhigo sigaar cabista.
Sidoo kale Maamulka gobolka Banaadir ayaa gubay dhamaan waxyaalihii ay soo qab qabteen kuwaas oo wax udhimaaya bulshada.
Xafiiska Wararka Muqdisho