Gudoomiye Madaale ayaa amray in ay ganacsatada joojiyaan waxyaabaha Daraagiska ee ay soo gelinayaan gudaha magaalada, taas oo waxyeella baaxad leh ay kasoo gaartay dhallinyarada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hay’adaha amniga faray in ay la shaqeeyaan Ciidanka uu u xil saaray la dagaallanka anshax xumada iyo maandooriyaha.
Sidoo kale maalmo ka hor ayay ahayd Markii Dekada Muqdisho lagu qabtay konteenar taabuu ah, taasi oo keentay in maamulka Gobolka banaadir Qaylo dhaan ka soo saaro maandooriyaha.
Xafiiska Wararka Muqdisho