Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay howl-gal culus ka sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Howl-galkaan oo ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada ayaa waxay ciidanka NISA kusoo qabteen shabakad Shabaab ah oo qorsheysanaysay in ay kasii tallaaban gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xubnahaan aragagixisada ah ay doonayeen in ay gobalka Hiiraan ugu tallaabaan gobolka Galgaduud oo uu ka socdo howl-gal lagu cirib-tirayo kooxda.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xilli uu gobolada dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda.
Office Nairobi Kenya