January 25, 2025

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo kulan dhiirragelin ah la qaatay Cayaartoyda Xulka Dowlad-Goboleedkaas metalaysa ayaa ugu baaqay in ay sanadkaan gacanta ku dhigaan koobka Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Macallimiinta, Ciyaartoyda, Howlwadeennada & dhammaan dadka u xilsaaran tartankaan ee metalaya Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayuu Cali Guudlaawe usoo jeediyay in ay si dhiirran ugu istaagaan ku guulaysiga Koobkaan.

Sidoo kale Ka maamul ahaan ayuu sheegay in garab-istaaggooda uu yahay mid joogta ah & dhiirragalintooda sidaas awgeed loo baahan yahay in isku xirnaan iyo kalsooni buuxda ay muujiyaan metalayaasha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply