Wararka ka imaanaya Degmada Guriceel ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay baadi goob ugu jiraan askari ka tirsan Ciidamada maamulkaas oo qof shacab ah ku dhaawacay Degmadaas.
Ciidamadda Hay’adaha Amniga Galmudug ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku dhaawacay qof shacab ah.
Askariga la soo qabtay ayaa la sheegay in si bareer uu u dhaawacay Ruux shacab ah ka dib markii rasaas uu ku furay lamana oga sababta ku kaliftay arinta uu sameeyay.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka BooliiskaSaldhiga Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Gaashaanle Galad Muxumed Qeyliye ayaa sheegay in in uu socday Hawlgalka Askariga lagu soo qabanayayay uu rasaas ku furay ciidanka balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Rasaasta uu Askariga adeegsanayay in intii uu Hawlgalka socday.
Xafiiska Wararka Muqdisho