Wararka ka imaanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu imaanayo sacadaha soo socda.
Madaxweyne Xasan ayaa uga qeyb galaya shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha deegaanka ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagu wado in ay ka soo qeyb galaan madaxda calamka oo uu ku jiri Raisal wasaaraha Itobiya Abiye Axmed
Madaxweynayaal iyo in ka badan shan kun oo wakiilo ah oo ka kala socda Dowladdo, bulshada rayidka ah iyo shirkaddo gaar ah ayaa ka qeybgali doona shirkan oo socon doona illaa 1da bisha Maarso ee sanadkan 2024.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa isna la filaya inuu kasoo qeygalo shirkan, xilli ay weli taagan tahay xiisadda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in hadal uu ka jeediyo shirka sidoo kalena uu kulamo doceedyo la yeesho Madaxda ka qayb galaysa shirkaas marka laga reebo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo ku soo xadgudbay Midnimada , Wadajir iyo Madax Banaanida Dhuleed ee Soomaaliya .
Xafiiska Wararka Muqdisho