Ciidamo gadoodsan ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo khamiis ah ay xirteen saldhiga magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Warara ayaa sheegaya in ciidankan ka cabanaya mushaar la’aan soo wajahday bilooyin badan taas oo keentay in maanta ay xanibaan shaqadii Saldhiga magaalada .
Sidfoo kale Ciidanka ayaa maanta waxa ay gabi ahaanba xireen waddooyinka magaalada Caasimada ah ee Garoowe halkaas oo laga maqlayo rasaas ay ridayaan ciidanka.
Waxa ay u badan yihiin ciidankan kuwa Boolis ah ,oo diiday in wax shaqa ah uu qabto maanta oo Khamiis ah Saldhiga magaalada Garoowe.
Office Nairobi Kenya