Wararka ka imaanaya magalada Qardho ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Puntland qeybta gobolka Karkaar ay gacanta kusoo dhigay eedaysane lagu magacaabo Abdirahman Mohamud Ali Musse Siilaanyo, kadib markii laamaha amniga ay howlgalo ka sameeyeen xaafaddaha magaalada Qardho oo ay ku baadi goobayeen gacan ku dhiiglahaas.
Abdirahman Mohamud ayaa ku eedeysay in xalay gudaha magaalada Qardho uu dil ugu geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Mohamud Cali Mohamud oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka Adisoone ee Gobolka Karkaar.
Sidoo kale Taliska Booliska oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in cdaalada la horgeyn doono Abdirahman Mohamud oo dilay Mohamud Cali.
.
Office Nairobi Kenya