March 25, 2025

Ciidanka sirdoonka maamulka Soomaaliland ayaa magaalada Hargeysa kuqabtay nin ay sheegeen in uu ka tirsanyahay ciidanka SSC Khaatumo oo dagaal xooggan kula galay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Nabad Sugida maamulka Soomaaliland ayaa lagu xaqiijiyay in ay gacanta kusoo dhigeen Cawil Daarood Yuusuf oo in muddo ahba ay kuraad joogeen sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay taliska ciidanka Nabad Sugida maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale  Sirdoonka Soomaaliland ayaa Cawil Daarood Yuusuf ku eedeysay in uu kamid ahaa ciidankii Soomaaliland kula dagaallamay magaalada Laascaanood waxa ay sidoo kale, sheegeen in Cawil Daarood Yuusuf uu si anshaxa maxaabiista kabaxsan uu ula dhaqmay maxaabiis Soomaaliland looga qabtay dagaalkii Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply