February 11, 2025

Ku dhawaad 3 bil kadib Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) oo xalay ka qayb-galay afu wadareed lagu sameeyay degmada Dharkenley ayaa  mar kale ka hadlay kiiska xasaasiga ah ee Luul Cabdicasiis.

Macallin Mahdi oo kulanka afurka ah ka jeediyay khudbad ayaa soo hadal qaaday kiiska marxuumadda, waxaana goobta ku sugnaa aabaheed iyo carruurteeda.

Taliyaha ayaa sheegay inay is wareysteen aabe Cabdicasiis, uuna u sheegay in maanta ay uga duwan tahay kulankoodii hore oo ay is arkayeen, maadaama la xukumay Sayid Cali.

Sidoo kale wyuxuu intaasi ku daray in laamaha amniga iyo maamulka gobolka oo is kaashanayo ay ka dhabeeyeen ballan qaadkoodii ahaa in lasoo qabanayo Sayid Cali.

.

Generaal Mahdi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qoyska uu mar kale dalbadeen in marka la tooganayo xukunsanaha oo hadda racfaan qaatay in la tuso marka tiirka la geynayo, si ay u hubiyaan inuu isaga yahay iyo in kale.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply