October 5, 2024

Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka Qaramada Qaarada Afrika ee u dhaxaysa dalka martigalinaya ee Ivory Coast iyo Nigeria waxay ka dhacaysaa garoonka Alassne Ouattara Stadium ee caasimada Abidjan, saacadda afrikada bari marka ay tahay kow iyo tobanka habeenimo.

Goolal badan oo la iska dhaliyay, rikooro cusub oo la dhigay, iyo bandhigyo la jeclaystay, ugu dambeyn maanta oo Axada ayaa la soo gabagabaynayaa tartanka xiisaha badan leh ee kubadda cagta Qaramada Qaarada Afrika markaas oo midkood martigaliyaha ama Nigeria loo boqri doono horyaalka Afrika ee 2024.

Nigeria ayaa doonaysa in markii afaraad caawa loogu cimaamado Abidjan horyaalka Afrika, halka Ivory Coast ay doonayso in ay ku sedexayso koobabkii ay qaaday 1992-dii iyo 2015-kii.

Labada kooxood ayaa markii labaad kulmaya sanad kan, 24 maalmood kaddib markii Nigeria ay gool iyo waxba kaga adkaatay Ivory Coast oo ay isku jiirooni ku jireen bilowgii ciyaaraha Qaramada Qaarada Afrika.

Xulka lagu naanayso maroodiyayaasha ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ciyaarta dhammaadka iska xaadiriya isagoo koobka martigalinaya tan iyo sanad kii 2006-dii markaas oo Masar oo marti galinaysa ayaa tagtay ciyaarta kama dambeysta.

Nigeria ayaa raadinaysa koobkeedii ugu horreeyay tan iyo 2013-kii, waxa ay jiirooniga ku jirtay uga soo baxday 7 dhibcood, waxayna ciyaarraha bug baxda uga soo adkaatay wadamada Cameroon, Angola iyo Koonfur Afrika kahor inta aanay iska xaadirin ciyaarta ugu dambeysa ee tartanka.

Ivory Coast ciyaartii ay Nigeria gool iyo eberka uga badisay, waxa u raacay guuldaradii xanuunka badanayd ee ay kala kulantay Equatorial Guinea, markaas oo afar iyo eber looga badiyay, inkastoo markii dambe ciyaar wanaag lagu soo saaray. Markaa wixii ka dambeeyay way soo kabatay oo waxay ciyaaraha bug baxa uga soo badisay dalalka Senegal, Mali iyo Congo DR.

Aakhirka caawa ayaa lagu kala bixi doonaa garoonka qaada 60,000 ee qof ee caasimadda Abdijan, halkaas oo ciyaarta kama dambaysta ah ay ku dhexmari doonto xulka martigalinaya ciyaaraha ee ivory Coast iyo xulka kubada cagta Nigeria.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply