December 4, 2024

Warrarka ka imaanaya  saakay oo axad ah magaalada Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dhawr iyo toban madfac xalay saqdii dhexe lagu weerarray, kuwaas oo dhaliyay khasaare nafeed iyo kuwa hantiyeedba.

Dhacdada ugu argagaxa badan ayaa qabsatay qoys iyagoo jiifa uu ku habsaday madfac, waxana halkaas ku dhintay aabaha iyo hooyada qoyska, waxana ku dhaawacmay wiil ay dhaleen.

Lama soo sheegin dhimasho ama dhaawac kale oo ay geysteen hoobiyayaasha ku dhacay Cammaara.

Sidoo kale Saraakiisha ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay soo tuureen madaafiicda ku dhacday Cammaara.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply