Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa faahfaahiyey gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taas oo Deni uu ku dhawaaqay maalintii caleemo-saarkiisa.

Puntland ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu aqbalay gogoshaas, waxaana kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe.

Sidoo kale Deni ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS u xilsaaray diyaarinta ajendaha gogoshaas looga hadlayo.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply