Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xiisada u dhaxeeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya  ka dib dalab ay dirtay Dowladda Soomaaliya.

Golaha amaanka ayaa sheegay in  dhinacyadu looga baahan yahay in ay ilaaliyaan xasiloonida iyo nabadda taas oo daw u ah ammaanka guud ahaan qaarada Afrika.

Kulankan ayaa  ciwaan looga dhigay “Nabadda iyo Ammaanka Afrika”, iyadoo loo cuskaday walaac ku aaddan falalka ay Itoobiya ka waddo Geeska Afrika.

Sidoo  kale Kulanka degdeg ah ee Golaha Ammaanka ayaa udub dhexaad u noqon doono sidii wada-hadallo loo dhalin lahaa iyo sidii xiisadaha loo dejin lahaa inkastoo Soomaaliya diidey wadaxaajood.

Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa mawqifkeeda sida ku cad warqad ay January 26-keedii u dirtay Golaha Ammaanka, waxayna ku doodaysaa in Is-afgaradku “uu dhabbaha u xaaraya in Itoobiya ay hesho marin badeed.

 

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply