Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ay maanta lasoo taagay 27 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu riday xukuno adag.
Askartaan ayaa ka soo baxsatay furimaha dagaalka, waxaana lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyagoo baxsad u ah deegaano u badan koonfurta dalka oo ay ka soo jeedaan.
Markii laga reebo hal askari oo qori BKM ah oo uu lunsaday loogu diray xukunka xabsiga, dhammaantood waxay maxkamaddu ku xukuntay shan sano ee xabsi ciidan ah.
Sidoo kale Askartaan ayaa sheegtay inay u adkeysa waayeen dagaallada, duruufaha yaalla duurka fog iyo furimaha dagaalka, isla markaana ay wajahayaan caqabado dhanka qoysaska ah, taas oo ku kaliftay inay ka baxsadaan furimaha dagaalka.
.
QOffice Nairobi Kenya