warka Daawo Muqaalka: Shacabka Balanballe ee Waqooyiga Galgaduud oo soo dhaweeyay ansixinta afarta cutub ee ugu horeysa. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Baarlamaanka Jamhuuriyadda gudahada waajibaad kooda Qaran, isaga oo sidoo kale boggaadiyey labada guddi ee Dastuurka, kuwaas oo juhdi badan geliyey sidii dalku u yeelan lahaa dastuur dhammeystiran. Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan taariikhiga ah ay qeyb ka tahay fulinta ballan-qaadyada Xukuumadda ee la xiriiray dhammeystirka Dastuurka, si talada dib loogu celiyo dadka Soomaaliya oo ay u soo doortaan hoggaankooda. Xukuumadda DanQaran ayaa muddo gaaban ku xaqiijisay guulo waaweyn oo wax badan ku soo kordhinaya hannaanka Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin, Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika, xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo tallaabada maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS. Xafiiska Wararka Muqdisho cabdixakiin xamari March 30, 2024 1 min read 81 Continue Reading Previous Previous post: Daawo Muqaalka: Aweys”Anigoo xildhibaan dhalinyaro ah maanta inaan dastuurka ansixiyo waa wax taariiqda igali doona”Next Next post: Maamulka Puntland oo xalay ku dhawaaqay inay aqoonsiga kala laabatay iyo kalsoonida Dowladda Federaalka Soomaaliya Leave a Reply Cancel replyYou must be logged in to post a comment. Related News Musharax Madaxweynaha Galmudug State Dr./Gaashaanle sare, Mohamed Aden Jimale (Koofi). Waa nin Caynkee ah? May 8, 2024 323 Qaramada Midoobay oo ku dhiirigelinaysa saxafiyiinta Soomaaliyeed inay kordhiyaan warbixinta caqabadaha cimilada ee Soomaaliya. May 3, 2024 286 Trending Now 1 Musharax Madaxweynaha Galmudug State Dr./Gaashaanle sare, Mohamed Aden Jimale (Koofi). Waa nin Caynkee ah? May 8, 2024 323 2 Qaramada Midoobay oo ku dhiirigelinaysa saxafiyiinta Soomaaliyeed inay kordhiyaan warbixinta caqabadaha cimilada ee Soomaaliya. May 3, 2024 286 3 Xayiraadaha cusub ee fiisaha Midowga Yurub oo saameyn ku yeeshay dadka Itoobiya iyo bulshada Soomaaliyeed. May 3, 2024 289 4 Barakac oo maalintii labaad ka socda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah. May 3, 2024 251