Maamul Goboleedka Puntland  ayaa xalay waqti danbe shaaciyay inay aqoonsiga kala laabatay iyo kalsoonida maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqday inay goonigeeda u ahaan doonto dowlad dhamaystiran oo madax-bannaan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo akhriyay war saxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu lumiyay sharciyadda madaxweynanimo.

Go’aanka Puntland ayaa yimid ka dib tallaabadii lagu badalay dastuurka dalka oo Sabtidii ay ku dhaqaaqeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale maamul Goboleedka Puntland oo ka mid ah 6 maamul goboleed ee ka tirsan Dowlada dhexe ee Somaliya ayaa caado ka dhigtay in uu hor isgaato amarada ka soo baxa Dowlada dhexe ee Somaliya oo xaq u leh in arimaha dastuurka looga danbeeyo sida uu qabo sharciga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply