September 12, 2024

Dad afduub loo haystay oo dhawaan la sii daayay gudaha dalka Nigeria ayaa sheegay in Masaska lagu argagax galin jiray si ay u bixiyaan lacago madax-furasho ah.

Waxaa aad sare ugu kacay afduubyada, iyadoo inta badan lacago madax-furasho ah laga qaato dadka qafaalashada oo gaysto.

Mid ka mid ah dadka la afduubtay ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda Nigeria in qaar ka mid ah dhibanayaasha la geeyay meelaha la og yahay in abeesadu ku badan tahay kadibna lagu tuuray duurka.

Qofkaan ayaa sheegay in marka dadka lagu tuuro goobaha ay ku badanyihiin abeesooyinka iyo masaska ay qoysaskooda ka dalbadaan in ay bixiyaan wixii awooddooda ah si ay xorriyad u helaan.

Waxyaabaha la bixiyo waxaa ka mid ah lacag, gawaari, guri iyo agabka kale ee loo arko in ay ku qancayaan kuwa afduubka gaysta.

Dhibanayaasha iyo kooxaha af-duubka gaysta ayaa qaarkood la kulmay halista xamaaratada halka kuwa kalena ay ku sigteen in ay masaska iyo abeesooyinka qaniinaan.

Dhakhaatiirta deegaanka ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah dhibanayaasha la afduubay ay u baahdeen ka daawaynta qaniinyada masaska kadib markii la sii daayay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply