March 25, 2025

Sigaarka elektaroonigga ah ayaa qarka u saaran in la mamnuuco, taas oo qayb ka ah qorshayaasha wax looga qabanayo tirada sii kordheysa ee dhalinyarada isticmaala sigaarkan vape-ka, sida ay shegtay dowladda.

Tirada carruurta isticmaala sigaarkan ayaa sidoo kale soo badanaya.

Mamnuucistan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhaqan geli doono dalka Britain.

Raysal wasaare Rishi Sunak ayaa la filayaa inuu qorshaha mamnuucista faahfaahin ka bixiyo Isniinta maanta, iyadoo la filayoo inuu booqasho ku tago iskuul.

Dalka Britain, khubarada caafimaadku waxay sheegeen in sannadkii 2015-kii, warbixin khaldan oo laga soo saaray sigaarka elektaroonigga ah awgeed, ay carruurtu isku dayeen inay cabbaan.

Waxay yiraahdeen waa run in sigaarka elektaroonigga ah ama vape-ku uu ka fiican yihiin sigaarka dadka waaweyn ee caadeystay cabbitaanka sigaarka, laakiin wuxuu waxyeello badan u geystaa carruurta.

BBC

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply