Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maanta kulan deg-deg ah ka yeesheen xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.
Kulankan ayaa lagu soo qaadi doono xaaladda Geeska Afrika ayaa waxaa si gaar ah diiradda lagu saarayaa arrimaha soo kordhay, siiba khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa.
Soomaaliya ayaa horay u dalbatay kulankan, si ay QM usoo fara-geliso heshiiska maamulka Somaliland iyo Itoobiya oo xadgudub ku ah madax bannaanida dalkeenna.
Sidoo kale Horay ururada caalamiga iyo waddamada xiriirka la leh Soomaaliya ayaa iyaguna si weyn uga soo horjeestay tallaabada Itoobiya iyo heshiiska ay la gashay Somaliland.
Office Nairobi Kenya