December 6, 2024

Saddex dal oo galbeedka Afrika ka tirsan oo ay maamulaan ciidamada milateriga ayaa sheegay in ay samayn doonaan ciidamo isku dhaf ah oo la dagaalama khataraha kooxaha jihaad doonka ah.

Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay dhismaha ciidamadan ka dib wadahadalo ka dhacay caasimadda Niger ee Niamey.

Taliyaha ciidamada Niger Moussa Salaou Barmou ayaa shaaca ka qaaday in ay si dhaqso ah u howlgali doonaan, isaga oo aan faah faahin ka bixin inta egyihiin ciidankani.

Kooxaha xiriirka la leh ISIS iyo Al-Qaacida ayaa kumannaan qof ku dilay gobolka sannadkii lasoo dhaafay.

Maamulada militariga ee saddexda wadan ayaa bilihii lasoo dhaafay noqday kuwo aad isugu dhow.

Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, waxay samaysteen heshiis is-difaacid ah oo loo yaqaan Isbahaysiga Waddamada Saaxil (AES), oo ka bexeen ciidan caalami ah, oo loo dhisay in ay la dagaalamaan Islaamiyiinta gobolka.

Rabshadaha gobolka Saaxil ee galbeedka Afrika ayaa sii xumaanayey sannadihii u dambeeyey inkasta oo ay dawladaha milateriga ah ballan qaadeen in ay wax ka qabanayaan dagaallada tobanka sano ah ee ay kula jiraan kooxaha jihaad doonka ah.

Saddexda dal ayaa dhamaantood xidhiidhka u jaray Faransiiska oo hore u gumaysan jiray, kaas oo muddo sannado ah awood ciidan ku lahaa guud ahaan gobolka Saaxil.

Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Mali, Minusma, oo shaqaynayey in ka badan toban sano ayaa sidoo kale lagu amray hoggaamiyeyaasha waddanku in ay kaga baxaan dalka “daahid la’aan”, waxayna soo gabagabeeyeen bixitaankooda bishii Disembar ee sannadki tagay.

Nidaamyada militariga ayaa xoojiyay xiriirka kala dhexeeya Ruushka, kaasoo u soo guuray inuu buuxiyo booska bannaan.

Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen in ay ka baxeen ururka dhaqaalaha galbeedka Afrika ee Ecowas.

Horey ayaa looga joojiyey xubinimadii ururkaas, kuwaas oo ku boorinayey maamullada milatariga ah in ay xaqiijiyaan in ay si degdeg ah ugu soo laabtaan xukunka dimoqraadiga ah, waxayna ku soo rogeen cunaqabatayn dhanka socdaalka iyo dhaqaalaha ah.

Qaar ka mid ah cunaqabateynta ayaa bishii hore la qaaday ama la fududeeyay iyadoo Ecowas ay riixday wadahadal ay la galayso maamulladan millatari.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply