Nin ganacsade ah oo ku nool magaalada Nakuru ee gobolka Rift Valley ee dalka Kenya ayaa “naxdin” iyo amakaag la kulmay kadib markii uu shaqada u soo baxay subaxnimadii Arbacada kuna arkay “noole qariib ah oo dhex fadhiya dukaankiisa”.
Fredrick Omungu ma uusan garaneyn waxa uu yahay noolahani markii hore, laakiin wuxuu sheegay inuu cabsaday.
“Way iska caddeyd in aanu ey ahayn – waxaan u malaynayay in uu yahay shabeel ama wax kale,” ayuu u sheegay BBC.
Qaar ka mid ah dadka deriska la ah ayaa u yimid, waxayna sheegeen in xawayaankani uu yahay Waraabe, kaas oo xaaladaha qaar dadka weerara.
“Waan naxay oo meel fog ayaan ka istaagay, waxaan maqlay in waraabuhu khatar yahay dadkani dili karo,” ayuu yiri Mr Omungu.
In ka yar 30 daqiiqo, tobannaan ka mid ah dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay cooshadiisa si ay u arkaan xayawaanka go’doonsan oo ku hoos dhuumanaya miiska cooshadda.
Ma cadda sida uu dhurwaagani ku galay cooshadiisii oo ku taal meel ay dadku ku badan yihiin.
Mr Omungu oo iibiya jaadka loo yaqaano Miraa, iyo sidoo kale sharaabka, nacnaca iyo lawska, ayaa sheegay in uu ganacsigiisa xidhay abaaro siddeeddi fiidnimo, uuna dib u furay abbaaro toddobadii subaxanimada xigtay.
Goobtan ayaa ah mid aan ka fogeyn Beerta Qaranka ee Harada Nakuru, halkaasi oo la tuhunsan yahay in Waraabahaasi kasoo lumay habeennimadii.
Ilaalada Hay’adda Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS) ayaa markii dambe u yimid oo qabtay dhurwaaga.
Dalka Kenya waxaa ku soo badanaya colaadaha u dhaxeeya xoolaha iyo dadka, waxaana muddooyinkii u dambeeyay laga soo sheegayay deegaano kala duwan oo dalka Kenya ka mid ah in uu waraabe dad ku weeraray.
.
Xafiiska Wararka Muqdisho