April 28, 2025

Dawladda Nigeria ayaa sheegtay in daraasiin ka tirsan koox jihaadiyiin ah ay dhinteen, halka kuwa kalana ay dhaawacmeen kadib dagaal ka dhacay koonfurta gobolka Diffa, ee u dhaw harada Chad sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Sida ay sheegtay dawladda, Kooxda Boko Haram ayaa soo weeraray askar ku sugnaa meel garoon diyaaradeed oo u dhaw xadka Nigeria.

Waxa halkaas ka dhacay ayaan ahayn kuwo si madax banaan loo xaqiijin karo. Gobolka Diffa ee dalka Nigeria ayaa ah mid marti galiya kumanaan qaxooti ah oo ka soo cararay weerarada kooxda jiihadiyiinta.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply