Wararka laga helayo saakay deegaanka Faragooy oo qiyaas ahaan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug u jirta 20KM ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay afar ruux oo shacab ahaa.

Afarta ruux ahaa ayaa dhamantood ahaa rag dhalinyaro ah, waxaana dilkooda geystay maleeshiyaad hubeysan oo goobta isga baxsaday.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dilka loo geystay afarta dhalinyarada ah inuu yahay mid la xariiro aar goosi aano qabiil ah.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, kuwaas oo howlgalo lagu baadi goobayo maleeshiyaadka dilka geystay ka wada deegaanka iyo nawaaxigiisa.

Dhinaca Gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa inta badan ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, kuwaas oo ku soo laa laabtay marar badan deegaanada maamulka Galmudug.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply