Ciidanka amniga Bosaaso ee gobolka Bari ayaa maalmihii la soo dhaafay xaafadaha magaaladaas waxa ay ka wadaan howlgal ay ku doonayeen in ay ku sugaan amniga.

Inta uu howgalka socday waxa la sheegay in lagu soo qab qabtay tiro  badan oo dad loo tuhmayo falal amni darro oo ka dhacay magaalada Bosaaso kuwaas oo  saraakiishu ay sheegeen in ay yihiin qaswadayaal.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay xalay Boosaaso ka fuliyeen hawlgal lagu xoojinayo Amniga guud ee magaalada.

Sidoo kale Taliska Booliska ayaa sheegay in hawlgalka lagu qab-qabtay shakhsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay qayb ka yihiin falal amni-darro oo ka dhacay Boosaaso.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply