Sida ay ku soo warramayaan qaar ka mid warbaahinta caalamiga ee u dhuun daloosha arrimaha militariga ee Maraykanka oo lagu magacaabo Dvidshub , Kenya ayaa marti galin doonta mid ka mid ah dhoolatuskii ugu weynaa ee Taliska Mareykanka ee Afrika uu ka fuliyo Bariga Afrika.
Waxa la sheegay in uu socon doono dhamaaadka bisha Febraayo ilaa bilowga bisha Maarso ee sanadkan.
Dhoollatuskan ayaa sida oo kale qorshuhu ahaa in uu ka dhaco magaalada Berbera, bal se laga baaqday.
Dagaalladii Laascaanood iyo rabshadihii halkaas ka jiray in ay sabab u ahaayeen ayuu bishii juun ee sannadkii hore u sheegay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya BBC.
Saraakiil ka socota wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa booqday bishii Janaayo ee sanadkII 2023 magaalada Berbera halkaas oo ay xilligaas qorsheynayeen in ciidamada Mareykanka ay tababarka ku qaataan.
Dhoollatuskan ciidamada Mareykanka ee howlgalka Afrika waxaa ka qeyb qaadan doona in ka badan 800 boqol oo askari, oo ay ka mid yihiin kuwa ka socda lix dal oo Afrika ku yaal. Waxaa dalalkaas ka mid ah Jabuuri, Ugada, Kenya iyo xitaa Somalia, oo ay ciidan ka socda unugga Danab ay meteli doonaan.
Xafiiska Wararka Muqdisho