January 25, 2025

 

Waxaa magaalada Muqdisho mar kale saakay ka bilaawday dacwada eedaysane Sayid Cali Macalim Daa’uud oo Bishoo hore xaaskiisa Dilay.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa uu mar kale Maanta ka bilawday Fadhigii labaad ee ku aaddan dacwad eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud oo loo heysto in uu gubay Xaaskiisa oo uur laheyd isla markaana ay xaaladdaas u geeriyootay.

Sidoo kale Eedaysane Sayid Cali, ayaa muddo uu baxsad ahaa kaddib la soo qabtay. Kiiskan ayaa hadalhayn ka dhaliyey baraha bulshada, taas oo dad badan ay siyaabo kale duwan uga falceliyeen dhacdada gubitaanka oo ay aad uga naxeen.

Qoyska ay ka dhalatay Marxuumad Luul ayaa wali ku haya maydkeeda Qaboojiye in ka badan 30 cisho, kuwaas oo dalbanaya in la isla duugo hadii kale aan la duugaynin Maydka marxuumada

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply