September 18, 2024

Dhulgariir cabirkiisa lagu sheegay 7.2 ayaa ka dhacay Jasiirada Taiwan waana dhulgariirkii ugu xoogganaa ee kudhufta Jasiiradaasi ugu yaraan 25 sano waxaana kudhintay 4 qof halka ay ku dhaawacmeen 50 kale waxaan durba sare ukacday digniinta sunami ee koonfurta Japan iyo Filibiin.

Sidoo kale, Waaxda dab-damiska ee Taiwan ayaa sheegtay in afar qof looga shakinsanyahy in ay kudhinteen dhaxgaan kusoo dhacday buuraleyda oo ay dad yar kunoolyihiin bariga degmada Hualien halkaa oo xudun u aheyd.

Dhanka kale, dhismayaasha soo dumay ayaa lagu qiyaasay 26 dhismo in kabadan kala bar  Hualien, iyadoona dadka ku go’doonsan lagu qiyaasay kudhowaad 20 qof waxaana wali socda howlaha samata bixinta.

Muuqaalo ay soo bandhigeen Tilifishinada Taiwan ayaa lagu soo bandhigay dhismeyaal aan xagal aan fiicneen kuyaala halkaas oo uu dhulgariirku kadhacay meel kabaxsan xeebta abaare 8-dii subaxnimo oo ay dadku kusii kala socdaalayeen goobahooda shaqada iyo waxbarashooyinkooda.

Wakaaladda cimilada ee Japan ayaa sheegtay in biyaha badda ay hadda sare ukeceen dhowr mowjadoodna oo yar yarna ay gaareen qeybo kamid ah gobolka Koonfureed  ee Okinawa, ka dibna ay hoos u dhigeen digniintii hore ee Tsunamiga.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dhulgariirka laga dareemay gobolka Fujian ee dalka Shiinaha, iyadoo goob jooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters uu sheegay in sidoo kale laga dareemay magaalada Shanghai.

Maamulka magaalada Taipei ayaa sheegay in aysan helin wax warbixin ah oo ku saabsan burbur weyn, MRT-ga magaaladuna uu shaqaynayey wax yar ka dib markii uu gariirku dhacay, halka Taipower oo ka shaqeysa korontada ay sheegtay in in ka badan 87,000 oo qoys oo ku nool Taiwan ay weli koronto la’aan yihiin.

Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Taiwan ayaa sheegtay in dhul gariirku uu ahaa kii ugu weynaa ee jasiiraddaasi ku dhaca tan iyo 1999-kii markaasoo dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.6 uu dilay ku dhawaad 2,400 oo qof uuna burburiyay 50,000 oo dhismo kaasoo ahaa mid ka mid ah dhulgariiradii ugu xumaa ee Taiwan.

Hawl-wadeennada tareenada xawaaraha dheereeya ee Taiwan ayaa sheegay in wax khasaare ah ama dhaawac ah aan laga soo sheegin tareenadooda, laakiin waxa la sheegay  in tareenada ay dib u dhici doonaan inta ay baadhitaannada samaynayaan.

Maamulka Cimilada Dhexe ee Taiwan ayaa sheegay in dhulgariirkan uu diiwangeliyay xadiga labaad ee ugu sarreeya degmada Hualien, marka loo eego cabbirka 1-7.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply