January 14, 2025

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maanta ku  sii jeedaan  magaalada Dubai ee caasimada dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ay booqasho uga bilaaban doonto.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu sii mari doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kadibna uu usii gudbi doono dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Saciid Deni uu kusoo ciidi doono magaalada Abu Dubai oo uu shantii sano lasoo dhaafay intiisa badan kusoo ciidayay halkaasi.

Socdaalka Deni ayaa imaanaya, xilli haatan ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso Puntland iyo dowladda federaalka, kadib wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply