April 27, 2024

 

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ayaa waxaa ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo falalka ka dhanka ah dumarka iyo tacadiyada kale ee sii kordhaya.

Mudaaharaadyada ayaa daba socda dilal fool xun oo dumar loo geystay. Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay oo qaarkood wateen boorar ay ku qoran yihiin magacyada dadka la dilay.

Amnesty International waxa ay sheegtay in wax ka badan shan boqol oo kiis oo dil ah lagu diiwaan geliyay Kenya intii u dhaxaysay sannadihii 2016 iyo 2023.

Qaar badan oo dhibanayaal ah ayaa waxaa dilay saaxiibo ama dad ay garanayeen.

Ololeyaashu waxay rabaan mas’uuliyiintu in ay dedejiyaan caddaaladda dhammaan dhibanayaasha dhowaan loo geystay xadgudubka galmada iyo jinsiga.

Sidoo kale Sahaminta dowladda ee ee sannadkii 2022 ayaa lagu ogaaday in ugu yaraan mid ka mid ah saddexdii dumar ah ee Kenyan ah ay la kulmeen xadgudub jireed waqti noloshooda ka mid ah.

BBC

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply