April 26, 2024

 

Wararka ka imaanaya saakay Magaalada Galhareeri  ayaa sheegaya in Duqayn ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka & Saaxiibadeed ka gacan-siiya dhinaca duqaymaha ay markale muddo 5 cisho gudahood lagu beegsaday Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay duqayntaan waxa ay ku sheegtay in lagu beegsaday xubno katirsan ‘AS’ inkasta oo ay shaacisay in ay dib kasoo gudbin-doonto khasaaraha iyo xogta weerarkaan.

Sidoo kale Dowladdu waxa ay xaqiijisay in uu weerarkaan dhacay isla markaana ay iska kaashadeen Saaxiibada Caalamiga ah ee dhinaca weerarrada Cirka ah ka gacansiiya si ay uga hortagaan qaraxyada & weerarrada waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply