Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in Koox hubaysan magaalada Garoowe ee Puntland ay ku toogteen labo ka mid ah dhallinyarada magaaladaas.
Sharmaarke Ismaaciil Weyrax iyo Cabdifataax Cabdiraxmaan Diiriye (Shuuqe) ayaa lagu kala sheegay magacyada labada dhalinyarada ah ee lagu diley bariga magaalada Garoowe.
Saraakiil amni ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan inay ogaadaan sida ay wax u dhaceen isla markaana gacanta ay ku soo dhigi doonaan shaqsiyaadka ka danbeeyay.
Sidoo kale Warar hordhac ah ayaa sheegaya in gacan saddexaad oo kale ay jirto oo dilka qayb ka ahayd, halka mid kamid ah dhalinyarada dhimatey uu diley kan kale.
Office Nairobi Kenya